Heemaal News Network

Ciidamo Kala Dareeriyey Banaanbaxayaal Isku Urursanayey Magaalada Muqdisho

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta kala eryay dad dibad bax ka dhigayay wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana banaanbaxa looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Maadxweyne Farmaajo (Maya) doorasho xor iyo xalaal ah ayaan rabnaa inay dhacdo.

Goobta uu banaanbaxa ka socday oo ay tageen ciidamada boolisku, ayay kala eryeen dadkii banaanbaxaayey, iyada oo ayna dhicin wax iska horimaad iyo khasaare ah.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xiray qaar ka mid ah dadka ka qeyb galayay banaanbaxa oo isugu jiray dhalin yarro iyo haween, kuwaasi oo lagu xiray saldhigyada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Related posts

Meydka Gabar Yar Oo la Kufsaday Kadib-na la Gawracay Oo Laga Helay Duleedka Cabudwaaq

Heemaall

Wasiir Bayle Oo ka Hadlay Xanuunkii kasoo Gaaray Qaraxii 11 Sano ka Hor Hotelka Shaamow ka Dhacay.

Heemaall

Dowladda Somaliya Oo Bilowday Qorshe Lagu Dhisaayo Ciidanka Badda.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More