Ciidamo la kala Dhex-dhigay Maleeshiyaad ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud Maanta.

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka qaranka Qaybtooda ka howlgasha degaannada Galmudug ayaa ku guulaystay in ay kala dhex-galaan laba maleeshiyo Beeleed oo saaka kudagaalamay Deegaanka Aruuris oo dhaca duleedka bari ee Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud .

Dagaalka labada maleeshiyo beeleed oo salka ku haayo Arrimo la xiriira dhul ayaa waxaa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidamada hoggaminayay ayaa kulamo lagu xalinaayo colaad beeleedyada waxaa ay la qaateen waxgaardka labada beelood, iyaga oo u sheegay inay doonayaan in si nabad ay ay u wada noolaadaan.

Deggaannada Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay dagaal beeleedyada, waxaana dagaaladaas ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy