Heemaal News Network
somali

Ciidamo Shalay soo Magan-galay Pakistan Oo Maanta Dib Loogu Celiyay Dalkooda

46 Askari oo u dhashay dalka Afganistan oo shalay soo magan-gallay Pakistan ayaa la sheegay in maanta dib ugu laabteen dalkooda Hooyo.

Ciiddankan oo ay ka mid ahaayeen 5 Sarkaal ayaa waxay shalay ka firxadeen Bar Kontorool, kadib, markii ay Daalibaan kala kulmeen weerar ay u babac dhigi kari waayeen.

Hadal ka soo baxay Taliska Milliteriga Pakistan ayaa lagu sheegay inay Ciiddankaasi iyagu dalbadeen inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxayna ka gudbeen Degmadda Jitral oo kaabiga ku haysa Xuduudka ay labada dal wadaagaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Sheekh Rashiid Axmed waxa uu beeniyey inay Ciiddanka Afganistan isku dhiibeen Ciiddanka Pakistan.

Related posts

Boliiska Awdal Oo soo Bandhigay Hub iyo Maandooriye Badan Oo Lagu Qabtay Borama

Heemaall

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo War kasoo Saaray Xadhiga Wariye Coldoon.

Heemaall

Dibad-baxayo ka Dhan ah Israel Oo Maanta Gil-gilay Magaaloyinka Waawayn Ee Yurub.(Sawiro)

Heemaall