Heemaal News Network
Soomaaliya

Ciidan Beeleed Ku Dagaalamay Gobolka Sanaag Oo Puntland Ciido Kala Dhex Dhigtay

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay joojiyaan dagaal gobolka Sanaag ku dhexmaray labo beelood sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Jaamac Deperani.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo amniga suga la geeyay degaanka Cawsane ee degmadda Dhahar halkaasi oo shalay uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac 8

“Arrinta Cawsane-Sanaag, Dowladdu waxay ka bixisay jawaab deg deg ah waxaana uu Madaxweyne Deni kulan arrintaasi ku saabsan maanta isugu yeeray Guddiga Amniga”

Dagaalka oo socday waqti kooban, islamarkaan la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa waxaa uu ka dhashay dhul beereed in muddo ah ay isku hayeen labad beelood ee dirirtu dhexmartay.

“Waxaan ugu baaqeyna Bulshada Gobolka Sanaag oo caan ku ahaa nabadda in ay ilaaliyaan nabadgelyada, waxkasta oo colaad keeni Karana laga fogaado. Wejiga labaad ee qorshaha nabadeynta Cawsane waxaa uu noqonayaa in laga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa colaada cawsane”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More