Heemaal News Network
somali

Ciidan Ka Horjoogsaday In Uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Tunisiya Galo Xarunta Baarlamaanka

Ciidanka dalka Tuunis ayaa maanta u diiday guddommiyaha baarlamaanka dalkaas Raashid Ghannouchi iyo xubno kale oo ka mid ah baaralmaanka inay galaan xarunta baarlamaanka dalkaas

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha dalka Tuunis Qeys Saciid uu xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas sidoo kalena joojiyay shaqadii baaralmaanka .

Guddoomiyaha baarlamaanka Tuunis Raashid Ghannouchi ayaa ku eedeyay madaxweynaha inuu afgenbiyay dastuurkii iyo dimuquraadiyaddii ka jirtay dalka.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inaysan jirin wax u ogolaanaya madaxweynaha inuu kala diro baarlamaanka xaalad kasta oo lagu jiro, wuxuuna ballan qaaday in golaha baarlamaanaku sii wadan doono kalfadhiyadiisa

Related posts

Somaliya Oo ka Mid Noqotay Dalalka Tacadiyada Ugu Xun Loogu Geysto Carruurta.

Heemaall

Madaxweynaha Somaliland Oo ka Hadlay Munaasibada 18 May

Heemaall

Dowlada India Oo Amar kama Denbays ah Dul-dhigtay Shirkadda Twitter.

Heemaall