Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafado isku dhawdhaw oo ka tirsan magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi ciidamadu ay ku soo-qab qabteen hub fara badan oo sharci darro ah oo lagu heystay Boosaaso.
Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali maxamuud oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in hubkaasi ay gacanta ku soo dhigeen, kadib xog ay ka heleen shacabka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi iyo goobaha laga soo qabtay.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka amniga Puntland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho iyo Garoowe.