Heemaal News Network
somali

Ciidanka Dawlada Oo Gubay Gaari Qaraxyo Lagu soo Raray ku soo Waday Muqdisho.

Ciidanka Kumaandoska Danab ee xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose ay ku gubeen Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyey.

Howlgalka oo dhacay saaka ayaa waxaa ciidanku sidoo kale sheegeen iney cagta mariyeen fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku yaalla degaanadaas.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysa ayaa sheegay in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago gaari Sarf ah oo lagu soo raray qarax kaasoo la doonayay inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ka dib markii ay heleen xog ku saabsan gaarigaas.

Saraakiisha intaas ku daray in gaarigan la doonayey lagu dhibaateeyo shacab Sooman ee magaalada Muqdisho, balse uu ALLE ku guuleeyey inay ka hortagaan.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilo Culus Huwiyay Madaxwayne Biixi

Heemaall

Wasiiro ka kala Socda Dalalka Iskhilaafsan Ee Masar Iyo Turkiga Oo Wada-hadlay.

Heemaall

Erdogan Oo Hal Erey Kaga Cabaadsiiyey Raisal Wasaaraha Talyaaniga

Heemaal