Heemaal News Network

Ciidanka Dowlada Oo Galbiyay Gaadiid Xamuul Oo Cabsi Ugu Xayirnaa Gobolka Bakool.(Sawiro)

Gawaari urarneyd ganacsatada magaalada Xuddur ayaa sinabad gelyo ah maanta xuddur ku gaaray kaddib howgallo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka ay ka wadeen waddada isku xirta Xuddur iyo Ceelberde ee ka tirsan Gobolka Bakool.

Gawaaridan oo muddo ku xayirnaa magaalada Ceelberde ayaa si nabadgelyo ah loogu galbiyay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgallo waddo nadiifin ah ka sameeyeen inta u dhexeysa labada Degmo.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay in si nabadgelyo ah magaalada loo keeno gawaaridii u rarneyd, halka markii hore ay gaadiidka isticmaali jireen inta u dhexeysa deegaanka Qurac Joome iyo magaalada Xuddur.

Darawalada Gaadiidakaan ayaa ka baqdin qabay Al-Shabaab o go’doomiyay degmada xudurk, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada dowladda ay si awood ah ku geeyaan degmadaas.

Related posts

Puntland Maxaabiis Burcad Badeed ah ku Wareejinaysa Galmudug

Heemaall

Rabshado ka Dhaca Gobolada Mareykanka Oo Digniin Laga soo Saaray.

Heemaall

Xeer ilalaliyaha Somaliya Oo soo Gabagabeeyay Dacwad loo Haysto Hay’adda Cilmi Baarista Sahan

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More