Ciidanka Itoobiya Oo ka Digay Afganbi loo Qorsheeyay Dowladda Abiy Ahmed.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka digay isku day afgembi kaddib markii ay dowladda dib u dhingtay xilligii ay doorashada dhici lahayd oo ahayd August.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Janaraal Berhanu Jula ayaa telefishinka dowladda u sheegay in milatariga uu ka warqabo isku day qalalaaso, taas oo ku saabsan in dowlad rasmi ah aysan jiri doonin wixii loo gaaro 10-ka October, xilligaas oo ay ku ektahay muddada dowladda haatan jirta.

“Xukunka waxaa keliya lagu qabsan karaa inay doorasho dhacdo. Wax kale ma jiraan. Ma jireyso dowlad ku emel gaar ah iyo wax la mid ah… Ha isku taagin ciidamada. Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa ced walba oo isku dayda inay xukunka kula wareegto qaab aan dastuurka waafaqsaneyn,” ayuu yiri janaraal Berhanu.

Bishii July, baarlamaanka ayaa kordhiyay muddo xileedka dowladda kaddib markii ay xildhibaannadu dib u dhigeen doorashada sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray, ayaa sheegay inaysan jiri doonin dowlad rasmi ah kaddib 10-ka October.
BBC

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy