Heemaal News Network

Ciidanka PSF Ee Puntland Oo Buuraha Galgala Ku Qabqabtay Alshabaab

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Buuraleyda Galgala, ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo weheliyay.

Shakhsiyaadka la qabtay, ayaa sida wararku sheegayaan qaabilsanaa qaraxyada lagu aaso jidka u dhexeeya degaanka Galgala iyo tuulada Karin ee Gobolka Bari, halkaas oo marar kala duwan qaraxyo lagula beegsaday ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Ciidanka PSF waxay gacanta ku dhigeen budooyinka Qaraxa laga sameeyo ee maadada TNT-da loo yaqaan, kuwaas oo Al-shabaab doonayeen in ay Qaraxyo ka sameeyaan.

Ciidanka PSF weli ma shaacin tirada iyo magacyada Amiirka iyo shakhsiyaadka kale ee laga qabtay Al-shabaab, balse keliya waxay soo bandhigeen muuqaalkooda.

Related posts

R/W Rooble Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka Socday IGAD

Heemaall

Maxkamada Dasduuriga ah Oo Ayiday Xasaanad ka Qaadistii Xildhibaannada Puntland.

Heemaall

Jeneral Al-Burhani Iyo Korneel Yoweeri Oo Ku Kulmay Magaalada Kambala

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More