Heemaal News Network
somali

Ciidanka Xooga Oo Cashir Culis U Dhigay Argagixisada Alshabaab

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Qaycad oo maalmihii la soo dhaafay dagaal culus lagula galay Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay shabaabkii ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

“Kooxda Alshabaab ee jabku ku dhacay ayaa maleeshiyaadkoodii ay bilaabeen in ay furimaha kala duwan isku soo dhiibaan, qaar kalena ayagoo firxad ah lagu arkay deegaamo badan, halka dhanka kalena ay ciidamada huwanta ahi ay magaalooyin iyo Goobo istiraatiiji ah oo kale ay ku sii siqayaan,Waxaa la gaaray jabkii iyo kala firxadkii argagixisada, waxaana bilowday guushii shacabka Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada amniga ee maamulka Galmudug.

Related posts

Madaxwaynaha Galmudug Oo la Kulmay Safiirka Itoobiya U Jooga Somaliya.

Heemaall

Kooxda Daaliban Oo ku Dhawaaqday Xabbad-joojin Shuruudo Adag ku Xiran

Heemaall

Madaxweyne Raisi Oo ku Hanjabay Inaysan Iran Wax Gorgortan ah ka Geli Doonin Barmaamijkeeda Nuclearka.

Heemaall