Heemaal News Network
somali

Ciiddamada Ereteriya Oo Isaga Baxay Gobalka Tigrey Ee Itoobiya

Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada.

Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horeysay isaga baxay magaalada.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Related posts

Boris Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Gooni U Goosadka Scotland

Heemaal

Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Shir Looga Hadlayay Xaalada Caafimaad Ee Somaliland

Heemaall

Ciidamadii ka Gadooday Muddo Kordhinta Oo Maanta ka Huleelay Muqdisho.

Heemaall