Heemaal News Network
somali

Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo Oo U Wareegay Kooxda Manchester United

Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo.

Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.

Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan.

Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United.

Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City.

Related posts

Sawirro Naxdin Leh: Daalibaan Oo Dad Rayid ah ku Garaacay Kabul.

Heemaall

Maareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Laga Shiray

Heemaall

Dowladda Oo War kasoo Saartay Howlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Laga Fuliyay Galmudug.

Heemaall