Heemaal News Network
Soomaaliya

Tababarihii Xulka Qaranka Somalia Oo Coronavirus Ugu Dintay Magalada London.

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa Maanta ku geeriyoodey Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq),kaas oo siweyn looga yaqaaney Soomaaliya iyo Caalamka.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo dad badan ay u dhinteen,isla markaana ugu dambeyn uu ku geeritoodey Isbitaal ku yaalla Magalada london.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa Bilihii u dambeeyey waxaa uu ahaa falanqeeye Kubadda Cagta ah,isaga oo qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ka falanqeyn jirey Ciyaaraha.

Dad u badan mas’uuliyiin ayaa ka tacsiyadeyey geerida Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More