Heemaal News Network

Congress-ka Oo Meel-mariyey Xirmo Lacageed Oo Loogu Talo-galay COVID-19.

Koongareeska Mareykanka ayaa meel mariyey xirmad dhaqaale oo aad u ballaaran oo ka kooban $ 900 bilyan oo ah lacag gargaar ah oo loogu talogalay la tacaalidda coronavirus ah iyo $ 1.4 tirilyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sanadeedka dowladda.

Labada aqal ee wakiilada iyo kan Senate-ka ayaa fiidnimadii Isniintii shalay si aqlabiyad ah ku meel mariyayay talaabadan, iyadoo mudaneyaashu ay haysteen saacado kooban oo kaliya si ay usoo darsaan sharcigan oo ka koobnaa in ka badan 5,000-bog.

Waxa ay wajahayeen mudada kama danbeysta ah ee saqdii dhexe ee xalay si ay dowladda Mareykanku usii waddo in ay hesho miisaaniyadda ay ku shaqeyso.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiiskan dhaqaale maalmaha soo socda.

Sharcigan ayaa yimid ka dib todobaadyo wadahadallo ay u socdeen hogaamiyaasha xubnaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo isku khilaafsanaa xaddiga kaalmada dowlada ee lagu bixinayo gargaarka coronavirus iyo haddii ay tahay in diirada la saaro waxyaabaha sida lacagaha la siiyo dadka shaqo la’aanta ama in ganacsiyadu ay sii furnaadaan.

Dalalka isku dayaya inuu sii jiro heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaa Isniintii isku raacay inay wax ka qabtaan suurta-galnimada in Mareykanka lagu soo celiyo heshiiskaas, marka Joe Biden uu la wareego xilka madaxweynaha.

Wasiirka arrimaha dibedda Germany ayaa kula taliyey Iran inaysan iska khasaarin fursaddan oo ugu yeeray tii ugu dambeysay.

Dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ayaa markii ugu horreysay muddo sanad ah waxay shalay ku kulmeen qaab Online ah, xilli heshiiska uu ku jiro wax uu wasiirka arrimaha dibedda Germany Heiko Maas ugu yeeray “marxalad hoobad ah”, taasi oo ka dhalatay cadaadiska xooggan ee Mareykanka uu saaray Iran, iyo xadgudubyada Tehran ay ku sameyneyso heshiiska.

Dalalka oo kala ah Germany, France, Britain, China iyo Russia ayaa isku dayey in hehsiiska laga bad-baadiyo inuu burburo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si iskiis ah uga baxay sanadii 2018.

Saddexda dal ee reer Yurub ee heshiiska ku jira ayaa rajo ka muujiyey in isbeddelka maamul ee Washington uu Mareykanka dib ugu soo celin karo heshiiska.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu kusoo laabto heshiiska, oo la gaaray intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Related posts

Qarax ka Dhacay Markab ku Xirnaa Dekad ku Taalla Sacuudiga.

Heemaall

Kheyre Oo Sheegay in Isku Dhac ka Iman-karo Khilaafka Doorashada,sida Itoobiya.

Heemaall

Shacabka Boosaaso Oo La Dhacay Talaabada Uu Farmaajo Ka Qaaday Kenya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More