Heemaal News Network
Cayaaraha

CR7 Oo Ka Sarreeya Messi, Liiska 20 Cayaartooyda Ee 10-kii Sanno Ee La Soo Dhafay Ugu Fiicnaa

Sky Sports ayaa soo saartay liis ka kooban 20 ciyaartoy oo ku xamaasha ciyaaraha kala duwan ee dunida, waxeyna ku sheegeen kuwii ugu fiicnaa 10-kii sano lasoo dhaafay, balse waxaa iska waayay Rafael Nadal.

Nadal, kaas oo hadda ah qofka koowaad ee Tennis-ka wuxuu ku guuleystay 13 ka mid ah 19-kii horyaal ee Grand Slam kuwaas oo la qabtay 10-kii sano ee ugu dambeeyay, balse taas wey kaga filnaan weysay inuu liiskaan soo galo.

Novak Djokovic oo maqaam ahaan ka hooseeya Nadal ayaa kasoo muuqday, wuxuu hantay 14 ka mid ah tartanka Grand Slam, sidoo kale Sarena Williams ayaa noqotay qofka ugu saameynta badan liiskaan.

Kubadda cagta kaliya waxaa ku matala saddex ciyaartoy, waana Cristiano Ronaldo oo kaalinta 3-aad soo galay, wuxuuna ka sara-maray Lionel Messi, halka gabadha reer Brazil Marta ay kasoo muuqatay kaalinta 6-aad.

Liiska 20-ka Ciyaartoy ee ugu fiican:

1. Serena Williams (Tennis)
2. Lewis Hamilton (Formula 1)
3. Cristiano Ronaldo (Footbaler)
4. Leo Messi (Footballer)
5. Floyd Mayweather (Boxing)
6. Novak Djokovic (Tennis)
7. Usain Bolt (Athletics)
8. Tom Brady (NFL)
9. Lebron James (NBA)
10. Simone Biles (Gymnastics)
11. Michael Phelps (Swimming)
12. Katie Taylor (Boxing)
13. Richie McCaw (Rugby)
14. Chris Froome (Cycling)
15. Michael van Gerwen (Darts)
16. Marta (Football)
17. Ronda Rousey (UFC)
18. Virat Kohli (Cricket)
19. Allyson Felix (Athletics)
20. Rory Mcllroy (Golf)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More