Heemaal News Network
cayaaraha

Cristiano Ronaldo Oo Juventus Ka Codsaday Saxeex Cusub

Wakiilka weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdaasi u sheegay go’aanka kama dambaysta ah ee ciyaaryahanka uu gadh-wadeeenka ka yahay.

Ronaldo ayaa ka cadhaysnaa qaabkii gaabiska ahaa ee uu kooxda usoo maamulay tababare Andrea Pirlo kaas oo sababay inay horyaalka oo ay doonayeen markii 10-aad oo xidhiidh ah seegaan halka ay wareega 16-ka kaga hadheen Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa wacdarro kusoo dhigay tartanka haatan socda ee Euro 2020 isaga oo wali hoggaaminaya gool dhalinta tartankaas isla markaana muujiyay inuu wali isaga oo 36 sano jir ah wax badan ku deeqi karo.

Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo PSG balse haatan ayuu doorbidayaa inuu Ballon d’Or markiisii 6aad ku raadiyo horyaalka Talyaaniga iyo la shaqaynta tababare Maxi Allegri.

Ronaldo ayaa isha ku haya hanashada abaalmarintaas sharafta leh si uu usoo qabto Lionel Messi oo uu loolan kubaddeed ka dhaxeeyo isla markaana lix jeer isagu hantay.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport oo go’aanka Ronaldo ee loo dhag taagayay soo saaray wakiil Jorge Mendes ayaa u sheegay Juve inuu xiddigiisu doonayo qandaraas cusub halkii laga filayay inuu kooxda ka baxo.

Related posts

Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Kooxdiisa La Daadagay “Koox Liidataan Nahay”

Heemaall

Athletico Madrid Oo Ku Guulaysatay Koobka Spain Lalig

Heemaal

Dawlada UK Oo Si Xoogleh Uga Soo Horjeesatay Horyaalka Cusub Ee European Super League

Heemaal