Crystal Palace Oo Garaacday Manchester United

Manchester United ayaa guul-darro ku bilaabatay horyaalka Premier League ee xilki ciyaareedka 2020-21, waxaana garoonka Old Trafford dhex jiid-jiidday Crystal Palace oo ku garaacday 3-1.

Wilfried Zaha ayaa adhaxda ka jabiyey difaaca Manchester United, waxaanu ku garaacay farsamo kasta iyo loollankii xirfadda iyo maskaxeeda ee garoonka gudihiisa, isaga oo ka dhaliyey laba gool oo mid rikoodhe ahaa.

Gool uu daqiiqaddii 7aad gool-dhalinta ciyaarta ku furay Andros Townsend ayaa Manchester United u horseeday qalalaasaha ay gashay, waxaana rikoodhe muran ku jiray ugu daray Zaha qaybtii labaad ka hor intii aanu Donny van de Beek gool aan waxba tarin u dhalin United.

Zaha ayaa ciyaarta kusoo afjaray gool uu meel iskaga xidhay difaaca United gaar ahaan Lindelof iyo Maguire oo intii aanu gaadhin uu kubadda ku darbeeyey dhinaca goolka uu waardiyaha ka ahaa David de Gea oo isaguna is dhaqaajin kari waayey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay Manchester United garoonkeeda Old Trafford kaga baxday iyadoo madaxa ay foorarinayaan ciyaartoydu, halka Crystal Palace ay farxad iyo dhoola-caddayn ku damaashaadeen.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy