Heemaal News Network

Cudur Aan la Aqoonsan Oo Astaamo Argagax Leh Oo ka Dilaacay Tanzania.(Sawiro)

Cudur aan wali la aqoonsanin ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay Koonfur galbeed ee dalka Tanzania oo ka mid ah dalalka bariga Afrika

Warbaahinta maxalliga ah ayaa shaacisay in dadka uu xanuunkan ku dhacay ay leeyihiin astaamo argagax leh sida iney dhiig matagayaan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee degmada Chunya ayaa laga soo xigtay in bukaannada qaarkood ay ku dhinteen saacado gudahood.

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baaritaan uga soo sameeyaan waxa uu yahay cudurkan.

Dorothy Gwajika, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyihii degmada ee dhinaca caafimaadka, kaasoo warbaahinta ay soo xigteen isagoo xaqiijinaya cudurka, sida uu qoray wargeyska Citizen.

Waxay dadweynaha ku boorrisay inay isdajiyaan, aysana jirin wax laga walwalo maadaama ay hadda baaritaan wadaan, waxayna ballan qaadday in ay xog dheeraad ah shacabka usoo gudbin doonto.

Related posts

Siyaasi Saluug ka Muujiyay Qaabka Xukuumada Biixi Miisaaniyada Ugu Qaybisay Degmooyinka

Heemaall

Xasan Sheekh Oo Dhaliilay Maamulka Farmaajo

Heemaall

Alshabaabtii Dhuusa Mareeb Soo Weerartay Oo Dhamaantood La Laayeey.(Sawiro)

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More