Heemaal News Network

Cudurka Ebola Oo Mar kale ka Dilaacay Dalka Guinea Ee Galbeedka Afrika (Sawirro)

Cudurka Ebola ayaa sanado ka dib mar kale ka dilaacay dal ka tirsan Galbeedka qaarada Afrika xili dunida ay weli dagaal ba’an kula jirto cudurka Corona.

Ugu yaraan 3 qof ayaa u dhintay cudurka Ebola gudaha dalka Guinea, halka cudurka laga helay shan qof oo kale, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka dalkaas.

Waxaana dadkan uu soo ritay cudurka lagu arkay shuban, matag iyo dhiig kaddib markii ay ka qeybgaleen munaasabad aas ah, waxaana laga cabsi qabaa in dad hor leh uu soo rito cudurkan halista ah.

Waxaa socday dadaallo dhowr ah oo lagu baadigoobayo tallaal looga hortaggan cudurkan, waxaana tallaalka laga adeegsaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markiii ugu horreysay uu ka dillaacay halkaas.

Intii u dhexeysay sanadihii 2013-kii iyo 2016-kii, in ka badan 11,000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay dalalka galbeedka Afrika.

Related posts

Guddiga Doorashada Heer Federal Ee Lagu Muransan Yahay Oo Guddoomiye Doortay

Heemaall

Raisal Wasaraahi Hore Ee Suudaan Ee Uu Xilka Ka Boobay Bashiir Oo Geeryooday

Heemaal

Musharaxiinta Oo Baaq ka Dhan ah Gudiyada Doorashada U Diray Maamul-goboleedyada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More