Bayaan ay maanta soo saareen qaar ka mid ah culumada Soomaaliland ayaa madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda ugu baaqay in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo ay qaboojiyaan muranka siyaasadeed.
Culumada ayaa si gaar ah ugu baaqay madaxwayne Muuse Biixi inuu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul.
Khilaafka u dhaxeeya xisbiyada mucaaradka iyo dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyaga warbaahinta iisu marinayay hadallo kulul.
Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in warqadda codsiga mudaharaadka ee ay mucaaridku u geeyeen u taallaa ay tahay qaab aan waafaqsanayn sharciga sidaa awgeedna uu dalbaday in ay gudoomiyeyaasha labada xisbi si fool ka fool ah uga wadahadlaan faahfaahinta qaabka ay u doonayaan in ay u dhigaan bannaan baxyada ay mucaaradku doonayaan in ay qabtaan.’