Heemaal News Network

CXDS Oo Aaan Kaashanayn Ajaaniib Oo Dagaal Xorayn Ah Ka Bilabay Galguduud

Ciidanka xoogga dalka ah oo kaashanayo kuwo ka tirsan Galmudug ayaa howl-gallo ka dhan ah Al-shaab maanta kawada deegaanka Cada-xaar ee waqooyi magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dagaal xoogan uu ka socdo oo u dhaxeeyo labada dhinac.

Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaysa oo la hadlay idaacadda ciidamada ayaa sheegay inuu yahay mid qorshihiisa howlgalkaan la diyaariyey lana sii wadi doono inta Al-Shabaab laga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada xoogga dalka iyo Alshabab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka, iyadoo madaxda maamulka Galmudug oo gaaray jiidda hore ee dagaalka waxaa ay ku baaqeen in la garab isaago ciidamada howlgalka ka wada waxaana sidaas yiri wasiirka warfaafinta maamulkaasi.

Related posts

Dowladda Somaliya Oo Xareysay Guddiyada Doorashooyinka ay Dhawaan Magacaawday.

Heemaall

Dagaal Khasaare Nafeed Geystay Oo Dhexmaray India iyo Bakistan.

Heemaall

Dad Badan Oo ku Dhintay Rabshado ka Socda Uganda Iyo Milatari la Wareegay Amaanka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More