CXDS Oo Cashar U Dhigay Alshabaab Kula Dagaalamay Galguduud

Ciidamada Xoogga iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay saakay dagaal culus uu ku dhexmaray Deegaanka Miirdugul ee koofurta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan weli la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan ciidamada xoogga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee looga saarayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Miirdugul ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha baxsadka ah ee dagaalku dhexmaray.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy