Heemaal News Network

Daacish Oo soo Saartay Muuqaal ka Hadlaya Dhaqdhaqaaqyada ay ka Wadaan Somaliya (Sawiro)

Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab.

Muuqaalka cusub oo la soo duubay, waxay Daacishta ku riddaysay Al-Shabaab, Taalibaan iyo Al-Qaacida.

Daacish waxay sheeganeysaa inay fashilisay shirqoolo badan oo ay ka dambeeyaan Alshabab.

Fiidiyowgu wuxuu kaloo muujinayaa dagaal u dhexeeya labada koox ee aagga buuraleyda Al-Miraale ee Puntland, kaasoo sababay dhimashada laba dagaalyahanno oo katirsanaa Alshabaab.

Daacish waxay muuqaalka kusoo bandhigaysaa, maxaabiis, dagaalamayaal uga dhintay weeraro ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya saraakiil sare iyo askar cusub oo ay qoratay.

Waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya hub ay kusoo furteen dagaalo iyo sida ay u qorsheeyaan weerarada.





Related posts

Dad Isku Qoys ah Oo ku Dhintay Qarax Miino Oo ka Dhacay Gobolka Sool.

Heemaall

Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Heemaall

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Khasaare Gaystay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More