Heemaal News Network
Soomaaliya

Daahir Rayaale Oo Shacabka Borama la Tukaday Kana Hadlay Jabhada Caarre Iyo Colaada Ceel Afweyn.

Madaxweynihii hore ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo la tukaday shacabka Boorama ayaa ka hadlay colaada ka taagan ceel Afweyn, jabhada Kornayl Caare iyo xaalada uu haatan dalku marayo.

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa tukashada salaada ciida kadib soo bandhigay talooyin uu u diray madaxweyne Muuse Biixi oo ku saabsan qaabka loo xalin karo arinta jabhada Kornayl Caare.

Ex madaxweyne Daahir Rayaale oo ka hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxa uu yidhi “Dalku waa khayr ee alle haw siyaadiyo wixii khialaf ah ee aan dadka waxba u tarayna halayska daayo, khilaafka ilaahay ayaa inagala dardaarmay oo umada waxba uma taro, khilaafka halayska daayo oo umadu ha noqoto kuwo iska reeba xumaha iskuna waaniya samaha.”

Ex madaxweyne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan ku talinayaa halaga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn isaga oo shacabka deegaankaasna ugu baaqay inay joojiyaan colaada isla markaana nabad galyo ku wada noolaadaan waxaanu yidhi “Arintasi waa musiibo umada ku dhacday wax loo baahan yahayna maaha, waxaan umadaas kula talinayaa dad walaalo ah ayaad tihiin oo ma kala guuraysaan aniguna deegaankaas waan aqaanaa, mar hadaydaan kala guurayn oo ilaahay iskiin badan inaad iska daysaan dilka iyo dhagarta uu ilaahay mamnuucayiska daysaan oo aad walaalowdaan oo aad isa saamaxdaan weeyaan.”

Dhinaca kale ex madaxweyne Rayaale ayaa ka hadlay jabhada kornayl Caare isaga oo madaxweynahana u diray talooyin wax ku ool ah “Wax loo baahnaa may ahayn waxaanan ku talinayaa in caare iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo arimaha meeshaas ka taagan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya ee waa in wax kasta maarayn karo oo uu nabada ku soo dabaali karo uu ku soo dabaalo.”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo la hadlay hctv.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More