Heemaal News Network
Soomaaliya

Daawo Qaabka Looga Ciiday Deegaanada Ay Alshabaab Maamulaan Ee Konfurta Somaliya.(Sawiro)

Degaanada Al-shabaab ayaa maanta si weyn looga dabaaldegay maalinta koowaad ee ciidul- adxaa.

Bulshada ku nool degmada Jilib ayaa saaka si wayn isugu soo baxay fagaaraha wayn ee loo bixiyey Macallin Aadan Xaashi Ceyroow, fagaarahaasi oo ku caanbaxay salaadaha ciidda iyo fulinta xukunada Al-shabaab.

Sidoo kale degaanka Galhareeri oo ka tirsan gobolka galgaduud oo ay al-shabaab maamusho ayaa maanta si wadajir ah looga ciiday maalinta kowaad ee ciidul Adxaa’ iyadoo dadka ay salaadda Ciidda kuwada dukadeen fagaara halkaas ku yaalla

Degaanka Kuunyo Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale ka mid ah degaanada al-shabaab ee maanta si heer sare ah looga ciiday, iyadoo saaka dad weynuhu ku tukadeen goob fagaare ah.

Halkan ka daawo sawirada deegaanada Galhareeri.


Halkan ka Daawo Deegaank Jilib


Daawo Deegaanka Kuunyo-barow

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More