Daawo qaabka Uu Dhacay Kulankii La Sugeeyey Ee Trump Iyo Kim Oo Salaan Diiran Isku Qaabilay

Madaxweynaha Mareykanka Donld Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa yeeshey kulankoodii ugu horeeyey abid oo ka dhacay Singapore, subaxnimadan saaka.
Kulankan ayaa ah mid taariikhi ah oo labada hogaamiye ay isku soo hor fadhiisteen ayaga oo dhoolo-cadeynayana ay warbaahinta soo horjoogsadeen.
Kulanka labada madaxweyne ee Singapore ayaa waxaa uu imanayaa iyada oo labada dal ay in ka badan 70 sano dhextaaley cadaawad soo jireen ah, taas oo saameysay dalka Waqooyiga Kuuriya.
Gacanka Kuuriya oo laga dhigo goob ka caagan hubka Nuukleeyrka ah waa gundhiga wada hadalada iyo hadafka ugu weyn ee la filayo in laga gaaro.

© Heemaal News Netwok