Heemaal News Network
somali

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Magaalooyinka Ay Maamulaan Alshabaab.(Sawiro)

Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalooyin iyo deegaano ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada kooxda Al Shabaab, xili inta badan dalka iyo wadamo badan oo caalamka kuyaala ay maanta sooman yihiin.

Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay xalay in bisha la arkay ayna maanta tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga, waxaana maanta deegaanada Al Shabaab maamulaan looga ciiday si weyn iyadoona dadku ku dukadeen goobo barxado ah.

Magaalooyinka maanta sida weyn looga ciiday ayaa waxaa kamid ah magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe iyo magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, waxaana goobo fagaare ah isugu soo baxay dadka kunool magaalooyinkaasi.

Deegaanada Al Shabaab ee maanta laga ciiday ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay fantasyo ay sameenayeen dagaalyahanada Al Shabaab iyo shacabka kunool deegaanadaasi kuwaa oo ku faraxsanaa ciida.

Related posts

Booliska Boosaaso Oo soo Qab-qabtay Dad Cunto ka Ganacsanayay Bisha Ramadaan.

Heemaall

Abuubakar Shekau Oo Is Qarxiyey

Heemaal

Haweenay South African ah Oo Dishay Ninkeedii Oo Somali ahaa

Heemaall