Daawo Trump Oo Fariin Ka Soo Diray Isbitaalka Uu Ku Jiro

Madaxeynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegaya in haatan xaaladiisu caafimaad wanaagsantahay balse maalmaha soo socda ay noqon doonaan kuwa aad ugu adag.

Muuqaal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in caafimaadka marwada koobaad iyo kiisuba ay wanaagsan yihiin.

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Trump ay sii wanaagsanaaneysay tan iyo markii lageeyay cisbitaalka milatariga ee Walter Reed.

Trump ayaa habeenkiisii labaad ku baryay cisbitaalka. Dr Sean Conley ayaa warbixin ku sheegay in weli kooxda caafimaadka ee madaxweynaha ay wanaagsantahay rajadooda ku aaddan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Saacado ka hor muuqaalka madaxweynaha uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka ayaa waxaa laga dheehan karay Trump oo xiran jaakat suut ah oo aanu wehlin taayga. Waxa uu u mahad celiyay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha xarunta caafimaad ee Walter Reed.

“Halkan waxaan imid aniga oo ay xaaladaydu caafimaad wanaagsanayn balse haatan waxaan dareemayaa isbedel caafimaad,”ayuu yiri.

Maalmaha inagu soo wajahan waxaan filayaa iney noqon doonaan kuwa adag. Waanu arki doonnaa waxa dhaca dhowrka maalmood ee soo socda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay inuu doonayay inuu dib ugu laabto ololihiisa doorashada. Trump ayaa doorashada 3-da Nofeembar la tartami doona musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy