Heemaal News Network
somali

Dabaal-degyo ka Bilowday Sacuudiga Iyo Boqorka Oo Amar soo Saaray.(Sawiro)

Dabaaldegyo waaweyn ayaa ka socda tan iyo galabta markii ay dhamaatay ciyaartii dhexmareysay xulka dalkaasi iyo Kooxda Argentina ka dib markii Sacuudigu ay 2-1 ku badiyeen ciyaar ka tirsaneyd koobka aduunka ee ka socda dalka Qatar.

Kumanaan shacab ah oo wata calanka Sacuudiga ayaa iskugu soo baxay jidadka magaalooyinka dalkaas iyagoo u dabaaldegaya guusha lama filaanka ah ee uu gaaray xulka dalkaas.

Boqorka dalkaas ayaa sidoo kale soo saaray in guusha sacuudiga awgeed maalinta beri ah la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowlada, ardayda iyo shirkadaha gaarka ah intaba.

“Amar ka soo baxay adeegaha labada masjid ee barakeysan Boqor Salman bin Abdulaziz, waxaa la faray in berri oo Arbaco ah ay noqoto fasax guud dhammaan qaybaha dalka, kuwa gaarka ah iyo kuwa guud oo ay ku jiraan dhammaan xarumaha waxbarashada.”ayaa lagu yiri qoraalka boqorka oo lagu baahiyey wakaalada wararka Sacuudiga.

Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa ka dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar ka dib markii Dalka Sacuudi Carabiya uu guul taariikhi ah ka gaaray dalka Argentina oo ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, iyaga oo kaga adkaaday 2-1.

Ma jirto cid fileysay in Sacuudiga ay ka adkaan doonaan Argentina iyo Lionel Messi, oo dad badan ay u arkaan cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, taa beddelkeed waxaa su’aasha ay ka taagneyd imisa gool ayaa laga dhalin doonaa Sacuudiga.

Related posts

Xisbiga Ucid Oo Shaaciyay In loo Tartami-doono Hogaanka Ugu Sareeya Ee Xisbigaasi.

Heemaall

Wasiir Kuxigenka W/Biyaha Oo Qodista Ceel Biyood ka Bilaabay Degaanka Cag-madooni Ee Deg.Dila G/Awdal

Heemaall

Ethiopia Oo Maraykanka Uga Digtay Faragalina Uu Ku Hayo

Heemaall