Heemaal News Network
Caalamka

Dabley Hubaysan Oo 24 Qof Oo Muslimiin Iyo Masiixiyiin Iskugu Jirta Ku Dishay Galbeedka Africa

Rag hubaysan ayaa dilay 24 qof oo rayid ah, oo uu ku jiro baadari kaniisadeed, waxayna afduubeen seddex kale maalintii Axaddii Burkina Faso, waxana uu noqonayaa weerarkii ugu dambeeyay ee lala beegsado wadaadada iyo baariradaa diimaha, oo weerarada lagu qaadayaa ku sii badanayaan dalkan Galbeedka Afrika ju yaal ee aan xasilloonayn.

Duqa degmada Boundore, Sihanri Osangola Brigadie, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Pansi ee gobolka Yagha, weerarkana ay soo qaadaan dablay lagu qiyaasay 20 qof, isla markaana ay ragga iyo haween ku kala sooceen meel u dhow kaniisad, halkaasna ay ku dhaawaceen ugu yaraan 18 qof oo kale.

Brigadie wuxuu intan raaciyay in Ragga hubeysani saliid iyo bariis ka boobeen dukaannada iyaga oo markaasi ku qasbay seddexdii dhalinyarada ah ee ay qafaasheen inay gacan ka geystaan sidii ay raran lahaayeen maciishadaas ay bililiqaysteen.

Goobjooge kale oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso ayaa tilmaamay in dadka dhintay, kuwa la boobay iyo kuwa dhaawacmayba ay iskugu jiraan muslimiin iyo masiixiyiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More