Heemaal News Network

Dabley In ka Badan 100 Qof ku Dishay Tuulo ku Taala Galbeedka Itoobiya.

Dableey aan heybtooda la aqoonsan ayaa in ka badan 100 qof ku dishay weerar ay ku qaadeen tuulo ku taal galbeedka Itoobiya, waa sida uu sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan xarun caafimaad oo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegtay in in ka badan 30 qof la dhigay xarunta, oo ay ku jiraan qaar xaaladoodu liidato.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la toogtay, halka kuwa kalena la tooreeyay, ayay hadalkeeda ku sii dartay kal-kaalisada.

Weerarkii Arbacadii ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ayaa yimid maalin kadib booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Bayaan ay soo saareen, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

Related posts

Ninkii Fasahaadka La Dul Tagay Qabriga Nabi Muuse CS Oo Xabsiga La Dhigay

Heemaal

Meydka Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Suudaan Oo si Heer Qaran ah loo Aasay

Heemaall

Dowlada Sacuudiga Oo Boqolaad Tan Oo Gargaar ah Ugu Deeqay Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More