Heemaal News Network
somali

Dacwad Laga Gudbiyay Macbad Lagu Aflagaadeeyay Nabi Maxumed NNKH.

Xildhibaan muslim ah oo katirsan Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa dacwad ka gudbiyay Macbad kuyaala dalkaasi oo la sheegay in loogu gefay diinta islaamka gaar ahaan Nabi Muxamed NNKH.

Amanatullah Khan oo katirsan Baarlamaanka Hindiya ayaa ku eedeeyay macbadka kuyaala Hindiya in uu u gefay diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH , waxa uuna sidoo kale macbadka ku eedeeyay in uu abuurayo naceyb iyo khalalaase.

Xildhibaanka ayaa sheegay in muuqaalka laga soo duubay baadariga maamulo macbadka oo ku baahay baraha bulshada abuuray caro badan, waxa uuna sheegay in uusan marnaba u dulqaadan karin in diinta islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH loo gefo.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya ayaa sheegay in dacwadda ay diiwaangeliyeen isla markaana ay bilaabeen baaritaanno ku saabsan eedeynta macbadka loo soo jeediyay.

Muslimiinta kunool dalka Hindiya ayaana si weyn uga falceliyay macbadka la sheegay in diinta islaamka u gefay, waxaana Muslimiinta ku baaqayeen in dowlada talaabno ka qaaday macbadka iyo kuwa maamula.

Related posts

Xisbiga UCID Oo Ciro ku Canaantay Dibu Heshiisiinta Somaliya Iyo Somaliland.

Heemaall

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Talyaaniga Oo loo Maxkamadeynayo Muhaajiriinta

Heemaall

Lafta-gareen Oo Xilalkii ka Qaaday Wasiiro kuwo kalena Magacaabay

Heemaall