Heemaal News Network
Soomaaliya

Dacwad Lagu Oogay Madixii Aamin Ambulance Oo Caawa Lagu Xiray CID-da Muqdisho

Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan oo ahaa agaasimaha Aamin Ambulance ayaa la sheegay iney caawa xireen ciiamada dowladda ku xireen ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaqtarka laga watay Baar uu ku sugnaa oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, markii ay ciidamo Boolis ah u yimaadeen halkaasina ka kaxeysteen.

Qoraal kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu amray taliska hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da soo qabashada Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Cabdulqaadir loo heysto dacwad ay kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaasoo sheegay inuu qaab Forex ah kaga qaatay lacag gaareysa $214,000,00 oo dollar.

Hoos Ka Akhriso:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More