Heemaal News Network

Dacwad Lagu soo Oogay Qareen Mareykan ah Oo Dhacay Hanti Somaliya U Taallay Adduunka

Abuukaate Jeremy Schulman, oo 47-jir ah,deggana Maryland, ayaa lagu oogay in 3.3 milyan uu si sharci darro ah uga qaatay $12.5 Million (Toban iyo Labo Milyan doolar) oo ahayd lacag Soomaaliya ka taallay bangiyada dibedda.

Dembi-oogayaasha Waaxda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegeen in laga bilaabo 2009 ilaa 2014, Schulman uu abaabulay shirqool ay kala qeyb-qaateen dad kale, si khiyaano ahna ku heleen hantida maaliyadeed ee magaca Soomaaliya ku taalla bangiyada adduunka oo dhan, qayb ka mid ah hantidan wuxuu u qaatay khidmad iyo kharash ahaan.

Schulman iyo kuwa kale (dad Soomaali ah oo aan la sheegin) ayaa la sheegay inay sameeyeen dukumiintiyo been abuur ah oo ku awood u siinaya qareen Schulman soo celinta hantida maaliyadeed isagoo wakiil ka ah dowladda Soomaaliya. Schulman wuxuu u soo bandhigay dukumiintiyadan been abuurka ah bangiga ay ceymiska federaalka Mareykanku leeyahay iyo hay’ado kale.

Marka laga soo tago adeegsiga dukumiintiyada been abuurka ah, qareen Schulman wuxuu sidoo kale ka qariyay bangiyadaas iyo hay’adaha maaliyadda macluumaadka maadiga ah ee la xiriira awooda uu u leeyahay inuu matalo dowlada Soomaaliya.

Related posts

Itoobiya Oo Diiday In Ergayda Midawga Africa Booqdaan Gobolka Tigrey.

Heemaall

Mid ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah Oo War kasoo Saaray Qodobadii kasoo Baxay Shirkii IGAD

Heemaall

Madaxtooyada Somaliya Oo Siyaasiyiinta Mucaaradka Uga Digtay Arimaha Ciidamada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More