Heemaal News Network
Caalamka

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dhul Go’ Ka Dhacay Ethiopia.(Sawiro)

Ugu yaraan 22 qof ayaa dhintay kadib markii ay dhoobo ku habsatay guryahooda, kadib roobab xoogan oo saacado xidhiidh ah ka da’ayay degmada Konta, ee Dawro Zone, sida ay sheegen dadka degaanka oo gacan guryo shan ah ka soo saaray maydadka dadkii deganaa.

Saddex iyo toban ka mid ah dhibanayaashu waa haween, waxana ku jira dadka dhintay sarkaal boolis ah iyo xaaskiiss, sida ay warbaahinta maxaliga ahi sheegtay.

Saraakiisha maxalliga ah ayaa dhinacooda sheegay inay ka cabsi qabaan qasaare intan ka badan hadii ay roobabku sii socdaan, waxana ay gurmad waydiisteen dawlada dhexe.

Bishii la soo dhaafay, toddobo qof ayaa ku dhintey degaankan markii ay roobab culus da’een, kuwaas oo Shan ka mid ah ay ahaayeen isku qoys.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More