Heemaal News Network

Dad Badan Oo ku Dhintay Rabshado ka Socda Uganda Iyo Milatari la Wareegay Amaanka.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay maalmihii la soo dhaafay rabshado ka dhashay xariga lagu la kacay musharraxa mucaaridka uga qaybgalaya doorashada madaxtinimada Uganada ee Bobi Wine.

Ciidamada Uganda ayaa la geeyay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo magaalooyin kale ee waaweyn si ay uga hortaggaan dibadbaxyada hadheeyay ololaha doorashada ee dalkaasi ka socday waqti la filayo inay doorashada ka qabsoonto bisha Jannaayo ee sanadka 2021-ka.

Waxa xabsiga la dhigay in ka badan 500 oo qof oo ka qayb-qaadanayay rabshadaha dalkaasi ka dhacay, sida ay sheegeen booliska.

Ku xigeenka taliyaha militeriga Colonel Deo Akiiki ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo fara badan loo daabulayo dhammaan waddooyinka waaweyn ee galo caasimadda.

Sidoo kale ciidamada waxaa la geyn doonaan goobaha laga cabsi qabo in amni darro ay ka dhacaan sida kaalmaha shidaalka iyo goobo kale.

Related posts

Ardayda Kenya Oo soo Bandhigtay Hub Cusub Oo Lagu Qalabaynayo Ciidamada Kenya.

Heemaall

Madaxweynaha Mexico Oo kasoo Horjeestay in si Deg-deg ah Loogu Hambalyeeyo Joe Biden

Heemaall

Itoobiya Oo ka Hortimid In Dagaal Sokeeye Loogu Yeero Colaada Gobolka Tigrey.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More