Heemaal News Network
somali

Dad Cadhaysan Oo Askar Ku Laayey Dalka Myanmer

Warbaahinta dalka Mayanmar ayaa sheegay in koox careysan oo dibadbaxayaasha dalkaasi kamid ah ay ku beegsadeen saldhigii ay ku sugnaayeen lix askari oo boolis ah.

Saldhiga oo ku yaalla bartmaha dalka Myanmar ayaa lasoo werinayaa in kooxdii weerartay ay bambaanooyinka gacanta laga rido ay ku weerareen.

Waxaa weerarkaas ku dhintay 5 sarkaal oo boolis ah, halka askariga lixaad uu ahaa mid doonayay inuu ciidanka ka goosto kadibna askartii kale ee saldhiga ku sugneyd ayaa toogatay.

Wadarta guud ee dadka ku dhintay dibad-baxyada ka dhanka ah Militariga afgambiga ka sameeyay Mayanmar ayaa gaartay 550 qof.

Related posts

Djibouti Oo Gurmad Ka Heshay Dalka Masar

Heemaall

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Mudo-kordhin Labo Sano ah.(Akhriso)

Heemaall

Garaad Jaamac “In Calanka Somaliya la Qaataa Xaaraan Maaha Ee Hala Siidaayo Dadka loo Xir-xiray”

Heemaall