Heemaal News Network
somali

Dad ka Caraysan Xakunka Lagu Riday Gen.Dhoolaal Oo Mudaharaad ka Dhigay Burco.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan xariga Jaamac Maxamuud Adan (Gen: Dollaal).

Janeraalka ayaa shalay Maxkamadda Millateriga Soomaliland waxa ay ku rday xukun laba sano ah kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, sidoo kalena uu xiriir wicitaan la sameeyay qof ku sugan muqdisho.

Dadweynaha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin (JANERAAL DOOLAAL CADAALAD HA HELO) iyo Erayo kale, iyaga oo dalbanayay in si deg deg ah loo siidaayo.

Xukunka ay maxkamada millaterigu ku riday Gen: Dollaal ayaa markii uu dhacay waxaa carro xooga ka muujiyay qaar kamid ah Bulshada Magaalada Burco, kuwaas oo sheegay inay banaanbaxa wadi doonan ilaa uu Cadaalad ka helo.

Related posts

Kolonyo ay la Socdeen Ciidamo ka Tirsan AMISOM Oo Lagu Weeraray Jubada Hoose.

Heemaall

Kenya Oo si Caro Leh Uga Hadashay Go’aankii Dowladda UK ku Xayirtay.

Heemaall

Erdogan Oo Xariga ka Jaray Masjid Dhismihiisa Muran Badan ka Taagnaa.(Sawirro)

Heemaall