Heemaal News Network
somali

Dad ku Dhintay Gaari Rakaab ah Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Balcad.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw deegaanka Gololey oo ku dhaw degmada Balcad lagu qarxiyay gaari caasi ah oo saarnaayeen dad shacab ah.

Gaarigan oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay saarnaayeen dad gaaraya 20-qof, waxaana gaariga qabsaday miino hareeraha wadada la galiyay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in qaraxaasi ku dhinteen inta badan dadkii saarnaa gaariga caasiga , waxaa sidoo kale jira dhoor qof oo qaarkood dhaawacyo culus kasoo gaareen qaraxa goordhaw dhacay.

Ciidamo katirsan kuwa dowqlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaa oo u gurmanaya shacabkii waxyeelada xoogan kasoo gaartay gaariga haleelay gaariga rakaabka ah.

Related posts

Xukuumada Dhexe Ee Itoobiya Oo Baaq U Dirtay Soomaalida Iyo Canfarta

Heemaal

Filimka Kuuriyada Koonfureed ka Matashay Muqdisho Oo Laga Helay Lacag ka Badan 26-Milyan 2-bil Gudahood.

Heemaall

Maayirka Burco Qarax Sharciyeysan ku Tilmaamay Gaadiidka Bajaajta

Heemaall