Heemaal News Network
somali

Dad ku Dhintay Goob Bandhig Faneed ay ka Socotay.(Sawiro)

Dad badan ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen goob ay ka socotay bandhig faneed, kadib markii dadkii goobtaasi isugu tagay ay is buurteen, waxaana bandhigii mar qura isku bedelay mid murugo oo dad ku dhinteen.

Inta la xaqiijiyay 8-qof oo kamid ahaa dadkii bandhiga daawanayay ayaa goobta ku dhintay halka tiro kale oo aad u badana soo gaareen dhawacyo kala duwan, dadka qaar ayaana la sheegay in neefta ku dhegtay halka kuwa kalana lagu dul istaagay.

Bandhig faneedkan dadka badan ku dhinteen ayaa lagu dhigayay magaalada Houston ee gobolka Texas dalka Mareykanka, waxaana bandhiga dadka kasoo qeyb galay la sheegay in ay gaarayeen 50,000 qof.

Saraakiisha booliiska magaalada Houston ayaa sheegay in ay baarayaan sababaha keenay isbuurashada dadka badan ku dhinteen, waxaana bandhigan noqday mid murugo kusoo idlaaday oo dad badan ehelkooda iyo asxaabtooda waxyeelo kasoo gaartay.

Related posts

Urrurada Siyaasada Somaliland Oo si Adag Ugu Jawaabay Madaxda Mucaaradka

Heemaall

Barlamaanka Puntland Oo ku Fashilmay Dhex-dhexaadinta Deni iyo Axmed Karaash.

Heemaall

Mareykanka Oo soo Farageliyay Xiisadda Doorasho Ee ka Taagan Kenya

Heemaall