Dad Ku Waxyeeloobay Weerar Lagu Qaaday Bas Gobolka Soomalida NFD

Ugu yaraan 8-qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday gaari Bus ah oo marayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ee gobolka NFD ee soomaliya..

Weerarkaas waxaa la aaminsanyahay inay fuliyeen koox ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in sideeda qof ee ay ku dhaawaceen afar ka mid ah ay aad u darantahay.

Gaariga la weeraray ayaa ka baxay Mandheera waxuuna ku siijeeday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, balse waxaa loo galay meel u dhaw deegaan lagu magacaabo Kotilo oo u dhaw degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu rasaaseeyay.

Ku dhawaad 10 dagaalame ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadkii la socday gaariga la weeraray.

Dhaawacyadii soo gaaray dadkii la socday gaariga la weeraray ayaa la dhigay isbitaallada degmada Ceelwaaq, oo haatan lagu dabiibayo, iyagoo dal baday in gurmad caafimaad loo sameeyo.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy