Heemaal News Network
somali

Dad Loo Afduubay Madaxfurashda Nin Somaliland Ka Soo Xidhay Laascaanood

Wararka aan ka helayno deegaanka Tukaraq ee ka tirsan gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga.

Dadka deeganka ayaa sheegay in kooxo dabley hubeysan ah ay gaari kala dageen dadka shacabka ah islamarkaana meel ay u kaxeysteen aan la ogeyn.

Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka ay sheegeen in af-duubkan daba socdo kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur.

Ninkan magaciisa lagu sheegay Cabdikariin Cali Nuur ayaa magaalada Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera.

Related posts

Farmaajo Oo La Kulmay Wafti Ergo Ah Oo Ka Socda Qatar

Heemaal

Dowladii Ugu Horaysay Oo Shaacisay iney Iskaashi la Yeelaneyso Hogaanka Taliban.

Heemaall

Axmed Madoobe Oo Saraakiil Maraykan ah kala Hadlay la Dagaalanka Alshabaab.(Sawirro)

Heemaall