Dad Loo Qabtay Dilkii Ka Dhacay Masaajidka Abuu Hurayra Ee Gaalkcayo

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah dil xalay loogu geystey gudaha masjid ku yaal waqooyiga Gaalkacyo mid ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona) waxaana rag hubeysan ay ku dhex dileen gudaha masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac,sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay inay goobta baxsadeen iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda cid sheegatay dilka.

Ninkan dhalinyarada ah ee la diley ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata taksiyada ka shaqeeya inta u dhexeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

Howlgalo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa dhowr ruux u soo qabqabtay falka dilka ah ee ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy