Heemaal News Network

Dad Loo Xidhxidhay Qaraxyadii Ka Dhacay Kismaayo

Kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo saameyn ku yeeshay bulshada magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay maamulka dagmada Kismaayo.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi, oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay socdaan howlgallo ammaanka lagu xaqiininayo iyo baaritaanno la xariira kooxaha geysanaya falalka amni darrada ah.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in rag lala xiriirinayo Al-Shabaab lagu qabto howlgalada maalmahan ka socday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoona sheegay in dadka la qabtay dhamaantooda lagu xiray saldhigyada ku yaala magaalada, islamarkaana dhawaan maxkamad la horkeeni doono.

Related posts

Trump Oo Qalalaase Iyo Olole Ka Wada Gobolka Georgia Oo Uu Booqday

Heemaal

Madaxweynaha Turkiga Oo si Kulul U Eedeeyay Maxakamadda Yurub.

Heemaall

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More