Barasaabada Gabilay iyo Hargaysa ayaa maanta tobon qof ka xir-xiray deegaanka Ceela-helay ee bariga degmada Lughaya, halkaasoo ay maalmihii u denbeeyay ka taagnayd xiisad dhul boob oo ay xukuumada Madaxwayne Biixi dabada ka riixaysay.
Xiisadan ayaa dhalatay kadib markii rag kasoo jeeda beesha madaxwayne Biixi oo si wanaagsan loo maalgaliyay ay deegaankaasi ka bilaabeen deegaameyn dhul balaarsi ah iyagoo beero waawayna halkaasi ka bilaabay, taasoo ay ka biyo diideen dadka deegaankaasi.
Ragan maanta laga xir-xiray deegaanka Ceela-helay ayaa loo qaaday xabsi ku yaala Hargaysa, waxayna dadkani lix ka mid ah ay kasoo jeedaan Beelaha Maxad-case ee iyagu deegaanka ku ah degmada Lughaya, halka laba-na ay kasoo jeedaan Beesha Ciise, halka 10 aad-na ay u egyihiin kuwo lagu macaanaynayo xariga ragan kuwaasoo kasoo jeedaan beesha Sacad Muuse
Degaanka ay xiisadani ka oogan yahay oo ah gobolka Awdal ayaa lala yaabay yahay waxa loogu diray Barasaabyada Hargaysa iyo Gabilay, halka uu wali badhasaabkii Awdal ku sugan yahay Boorama, waxana la iswaydiinayaa waxa uu u tagi waayay Barasaabka, iyo waxa uu noqon doono xalka ay keenayaan masuuliyiin Hargaysa laga soo diray oo markii horaba ay dadka degaanku tuhunsan yihiin inay taageersan yihiin damaca dul-boobka ah ee lagu hayo degaanka bariga degmada Lughaya.