Heemaal News Network
Soomaaliya

Dad Looga Shakiyay Cudurka Coronavirus Oo Lagu Karantiilay Hargeysa.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu qabay dad looga shakiyay inay qabaan Cudurka COVID-19 oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla dunida.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in dadkaas laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Cigaal xili ay kasoo degeen diyaarad ay la socdeen, waxaana durbo halkaas looga qaaday qaaday gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah.

Dadka la qabtay oo tiradooda ay dhan tahay 16 ruux ayaa ka yimid dalka Mareykanka iyo dalal kale oo si weyn u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dad lagu karantiilo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somalilland oo ay uga hadleyso dadkaas laga qabtay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ee looga shakiyay Cudurka COVID-19.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More