Heemaal News Network

Dad Qorsheeynayay Weeraro Oo Lagu Xir-xiray Ruushka.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus.

Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka.

Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni.

Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday.

Qaraxan ay ku dhaawacmeen Ciidamada ayaa waxuu ka dhacay meel u dhow xafiiska sirdoonka iyo Nabadsugida Ruushka ee Oshkekin.

Related posts

Al Shabaab Oo soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal Oo ay ku Qabsadeen Dagaalkii Shalay Ee Bacaadweyn.

Heemaall

Sudan Oo Ciidam Badan soo Dhoobtay Xadka ay la Wadaagto Itoobiya.

Heemaall

Bambooyin Ku Aasnaa Garoonka Tababarka Kooxda Roma Oo la Helay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More