Dadaalo Lagu Daminayo Dab ka Kacay Buurta Ugu Dheer Afrika Oo Socda (Sawiro)

Dab xoogan oo wali la ogeyn waxa sababay ayaa ka kacay buurta ugu dheer qaarada Afrika ee Kalimanjaro oo kutaala dalka Tanzaaniya, waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in dabkaasi lagu damiyo.

Dowlada Tanzaaniya ayaa sheegtay in ay wadaan dadaalo xoogan ay ku doonayaan in lagu damiyo dabkaasi si uusan saameyn ugu yeelan dadka kunool deegaanada ku dhaw dhaw buurtaasi loo dalxiiska tago.

Warbaahinta dalka Tanzaaniya ayaa ku warantay in holaca dabka ka kacay buurta laga arkayo goobo fog fog, waxa ayna warbaahinta sheegeen in dadka deegaanka isku dayeen daminta dabkaasi balse ku guul dareesteen.

Buurta Kalaminjaro oo aad u dheer ayaa la sheegay in caqabad ku noqotay dadka deegaanka in si fudud ku damiyaan, waxaana dowlada saraakiil ka socota oo goobta tagay bilaabeen xal u helida dabkaasi.

Kalaminjaaro waa buurta ugu dheer qaarada Afrika , waxa uuna dhererka buurtaasi gaarayaa 5,895 mitir (19,340ft), buurtan ayaana kamid ah goobaha loo dalxiiska tago ee kuyaala dalka Tanzaaniya.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy