Heemaal News Network
Soomaaliya

Jabuuti Oo Shaacisay 14 Qof Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Tirada Kiisaska Oo Kor U Dhaafay 130.

Dawlada Jabuuti ayaa xaqiijisay in diwaan-galiyay maanta 14 qof oo laga helay xanuunka halista ah ee Coronavirus, taasoo wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 135 qof .

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay in maanta caabuqa Coronavirus laga baaray 427 qof oo laga shikisanaa, waxaana Covid-19 laga helay 14 ka mid ah dadkii laga baaray

Sidoo kale wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in 14 qof ee laga helay caabuqa Coronavirus ay 13 ka mid ah ay ahaayeen dad la kulmay dad qabay xanuunka , halka qofka 14aadna uu ahaa bukaan cusub oo aan hore looga shikisanayn ,iyadoo qaar ka mid ah dadka laga helay caabuqa Corona-virus oo xaaladoodu halis tahay islamarkaana la dhigay Isbitaal ku yaala Carta.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More